Xaflad Lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub oo ka Dhacday Gothenburg‏

Waxaa xalaytoole magaalada Gothenburg ka dhacday xaflad loogu hambalyeeynayay madaxweynaha iyo gudoonka baarlamanka ee cusub mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cusmaan Jawaari oo dhowaantan majaraha u qabtay dowlad ay aad uga dhursugayso umadda Soomaaliyeed.

Xafladan oo sidoo kale lagusoo hadal qaaday qarixii dhowaantan uu naftii-halige ihi la beegsaday dad aan waxba galabsan oo iska fadhiyay goob makhaayad ah kuwaasoo ay ku jireen qaar ka mid ah weriyayaashii ugu caansanaa magaalada Muqdisho oo halkaasi ay qaarna ku dhinteen qaarna ku dhaawacmeen.

Xafladda ayaa hadallada laga jeediyay waxay u badnaayeen amaan loo jeedinayay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, soo dhoweeyn iyo bogaadin loo jeedinayay madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud iyo talo soo jeedin ku aadan sidii uu u dabiqi lahaa istaraatijiyado waxtar leh oo keeni kara inuu dalka Soomaaliya ka faa’iideysto fursadda la haysto iyadoo maanka lagu hayo caqabadaha taagan.

Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ka dhex muuqdeen Banaadir Midnimo Foreningen ayaa waxaa halkaasi ka hadlay gudoonka isla ururkaas Mudane Axmed Nuur, Sheekh Cabduraxmaan Sheekh Muxudiin, Riyaale Xaamud oo ku hadlayay codka jabhadda xoreeynta ee Soomaalida degta Itoobiya ONLF, Nuur Cali Gacal oo ah gudoonka ururka samafalka Soomaalida woqooyiga Yurub, Axmed Kaafi oo ku hadlayay codka Ololaha Somali Waxbar, Sacdiyo Soomaali oo ah fanaanad Soomaaliyeed, Faaduma Macalin Xasan, Binti Maxamed Wehliye, iyo Deeqa Sheekh Dhaqane oo buraanbur iyo guubaabo wadani ah meesha ka jeediyay.

Waxaana ugu dambeeyn xafladdii soo xiray Micraaj Muuse Xuseen oo ka tirsanaa gudigii qabanqaabada xafladda iyadoo tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ay aad usoo dhoweynayeen dadka Soomaaliyeed intooda badan oo u arka nin dalka u riixi kara jahada uu ribixu ugu jiro.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg, Sweden

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here