Xaflad Lagu Taageerayay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamuud

Siyaasiyiin, Waxgarad iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka oo ka qeybgalay xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Muqdisho
.
Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen ilaa afar boqol ruux oo isugu jirtay marti sharaf kala duwan, sida Mas’uuliyiin xilal uga soo qabtay dowladda, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culumaa’udiin, dhalinyaro, Odayaal dhaqameedyo iyo Haween.

Munaasabadan oo aheyd tii u horeysay nooceeda oo ka dhacda magaalada ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD, taasoo ay halku dhig uga dhigtay soo dhoweynta Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo sidii loola shaqeyn lahaa.

Gudoomiyaha Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD Ciise Axmed Cumar ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh, isagoo tilmaamay in doorasho taariikhi ay aheyd muddo 42-sano kadib in Soomaaliya lagu doorto Madaxweyne Soomaaliyed.

Mr Ciise ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub uu ka yimid Bulshada rayidka, isla markaana ay taageerayaan, waxaana uu xusay inay la shaqeyn doonaan Dowladda cusub uu soo dhisi doono, waxaana uu ku amaanay Baarlamaanka Soomaaliyed sida ay u doorteen nin aqoonyahan ah oo aan saameyn ku laheyn bur burkii dalka ka dhacay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay Is bedel siyaasadeed, isagoo xusay muddo 45-sano ah.

“Inaan Xormeyno, inaan soo dhoweyno, oo aan taageerno Madaxweynaha cusub ee Soomaaliyed, waa is bedel siyaasadeed oo dalka ka dhacay muddo 45-sano ah, waa Madaxweynihii 3aad ee si dimoqraadi loogu doorta Caasimada Muqdisho sanadii 1967, Madaxweynihii hore C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa halkan lagu doortay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Prof, Cali Maxamed Geeddi.

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ku ammaanay Dowladii hore inay taaba gelisay, halgan badan u gashay sidii Muqdisho lagu dooran lahaa, isla markaana 25-musharax ay u tartameen Tartanka hogaanka qaranka, isagoo xusay in laga dhex doortay Dr, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waa u Hambalyeyneynaa, nuxurka wanaagsan ee Munaasabada waa soo dhoweyn, marxabeyn iyo taageero, waa cusub ayaa u baryay Soomaaliya, Dowladihii KMG waa laga gudbay, Dowlad Soomaaliyed oo Buslahdeeda u adeegeysa ayaa timid”ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku ammaanay Hey’adda Wada hadalka Bulshada CCD sida ay u soo qaban qaabisay Munaasabadan.

Iimaam Maxamed Yuusuf ayaa Munaasabada ka jeediyay hadalo dar-daaran iyo duco, isagoo Madaxweynaha u rajeeyay inuu xilkiisa Alle kula garab-galo, isla markaana shacabka Soomaaliyed ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.

C/llaahi Geedi Shadoor oo ahaa Xildhibaan hore ayaa ku tilmaamay doorashadii Madaxweynaha ee ka dhacday Muqdisho mid si cadaalad ah ku timid, isla markaana shaqsi karti iyo aqoon leh ay u doorteen Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax oo u hadlay Bulshada rayidka ayaa sheegay in heer fiican oo lagu faani karo la soo gaarsiiyay xaalada dalka ku jiro, isla markaana dowladdii hore ay suura gelisay in Muqdisho ka dhacdo doorasho xalaal ah.

Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheer) ayaa sheegay in Dr. Xasan Sheekh ay Soomaali dooratay, isla markaana Soomaali garab uga baahan yahay, waxaana uu sheegay inuu soo dhoweynayo Madaxweynaha cusub, isagoo ammaanay Madaxweynihii hore sida sharafta leh uu ku wareejiyay xilka.

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka tirsan Odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya loo doortay Hogaan is bedel doon ah, oo ku yimid si cadaalad, isagoo ugu baaqay inuu shacabka Soomaaliyed samata bixiyo.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabada Madiino Caamir oo sheegtay in Haweenka la’aantood aanay Dowladda dhaqaaqi karin, isla markaana ay taageerayaan Madaxweynaha cusub hadii ay yihiin Haweenka Soomaaliyed.

Dr. Axmed Maxamuud Wehliye Xeji ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub uu yahay nin aqoon leh oo hogaamin kara dalka, isla markaana ay ku taageerayaan xilka qaran ee loo igmaday, uuna yahay Madaxweynihii labaad oo Soomaaliya soo mara oo ku dhashay Gobolka Hiiraan sida uu yiri.

Ugu dambeyn Munaasabadan taageerada aheyd oo isugu jirta mid qado iyo Khudbado ay jeediyeen dadweynihii ka soo qeyb galay, waxaana ay ku soo gaba gabowday Munaasabada jawi wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here