Xaflad lagu soo gabgabaynayo shirka Garoowe oo ka socota PSU

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu soo gabgabaynayo shirkii maalmihii la soo dhaafay ka socday xarunta Jaamacada Puntland ee  magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Kulankan ayaa lagu gaaray heshiis kadib markii muddo afar casho ah ay ka dhex socotay murano iyo is jiid jiid kama dambayntii dhaliyey in meel dhexe la isugu yimaado.

Xaflada Xiritaanka ayaa waxaa bandhig faneed ka tarjumaya qiimaha nabadda iyo dowladnimada ku soo bandhigey fanaaniin Soomaaliyeed.

Heshiisyada lagu gaaray oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa waxaa ka mid ah in golaha baarlamaanka uu noqdo 225 xubnood laguna soo xulo qorshaha 4.5.

Waxaana dadaal dheer oo uusameeyey R/wasaare Cabdiweli Maxamed Cali kadib uu oggolaaday Madaxweynaha Puntland in lagu qeybsado baarlamaanka 4.5 isagoo markii hore ku adkeysanayay in lagu qeybsado qaab deegaan.

Heshiiska ayaa waxaa u saxiixay dhinacyada ka qeybgalay shirka Madaxweyne Shiikh Shariif madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale waxaa heshiiska wax ka saxiixay ku xigeenka wakiilka Qaramida Midoobay ee Soomaaliya Ampp Manhal, halka maamul goboleedka Igad uu u saxiixay Jamaal.

Qodobada shirka oo faahfaahsan ka filo dhowaan  Midnimo.com