Xafiiski WFP ee magaalada Baladweyne oo dib loo furay

Waxaa maanta dib loo howlgeliyey xafiiskii Hey’ada WFP ay ku laheyd magaalada Baladweyne kaasi oo xirmay marki ay Al Shabaab ka mamnuucday deegaanada ay maamusho sanadki hore.

Furitaanka xafiiska ayaa ka danbeeyey marki ay maanta gaareen magaalada Baladweyne wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ka koobnaa shan xubnood kuwaasi oo la kulmay maamulka gobolka.

Sarkaalka hogaaminayey wafdiga ayaa sheegay in xafiiska uu ka shaqeyn doono horumarinta dadka taakta daran, kuwa barakacayaasha iyo sidi uu u quudin lahaa caruurta.

Dhanka kale, qarax miino ayaa maanta lala eegtay ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan xilli ay marayeen halka loo yaqaano Buundada Liiqliiqato.

Qaraxaasi lama oga qasaaraha uu sababay, waxaase la sheegayaa in howlgal ay sameeyeen ciidamada Itoobiyaanka ay ku xir xireen ilaa iyo 20 ruux oo ku sugnaa hareeraha halka qaraxa ka dhacay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.