Xafiiska Warfaafita Madaxtooyada oo beenisay warka sheegaya in Farmaajo loo magacaabay Ra’isulwasaare

Kadib marki uu magaalada Muqdisho is qabsaday war sheegaya in Maxamed Abdulaahi Farmaajo loo magacaabay Ra’isulwaaare ayaa waxaa arintaasi beeniey xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha xafiiska warfaafinta ee Madaxtooyada Suldaan Axmed Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah, madaxweynahana uu wali ku jiro wada tashi.

“Warkaas ma ahan mid rasmi ah oo Madaxtooyada ka soo baxay, mana jirto wax cusub oo is bedel ah, Madaxweynaha wali wada tashiyadii ayuu wadaa”ayuu yiri Suldaan Axmed Faarah Seed.

Dhanka kale waxaa isna saxaafada la hadlay Farmaajo qudhiisa oo beeniyey warkaasi magaalada lagu shaaciyey, isaga oo sheegay in uusan wax xog ah ka heyn magacaabista Ra’isulwasaaraha.

Galabta abaaro 2:30 daqiiqo ayaa waxaa mar qura magaalada Muqdisho soo galay warka sheegaya in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo loo magacaabay Ra’isulwasaare, markiiba waxaa bilowday dabaaldagyo iyo rasaas is qabsatay magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

4 COMMENTS

  1. Ilaahoow runka dhig aan ku raysanee Maxaa hortaagan waanba haysanaa hawlkar lawada oglyahy madaxwayne noodanee dalka udanee Adiga danyso diinta udanee oodoorodacad laogolyahy farmaa jo noodoor aan durduuranee nabad gaajaduna naday see duliguna dhamaadee dawladnimadu hatoostee dalkii dib uaadnee madaxwayne noodoor . ilaahoow inoodoor Midkii noodanayhaa

  2. Ilaahoow rinks dhig aan ku raysanee Maxaa hortaagan waanba haysanaa walkar lawada oglyahy madaxwayne noodanee dalka udanee Adiga danyso diinta udanee oodoorodacad laogolyahy farmaa jo noodoor aan durduuranee nabad gaajaduna naday see duliguna dhamaadee dawladnimadu hatoostee dalkii dib uaadnee madaxwayne noodoor . ilaahoow inoodoor Midkii noodanayhaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here