Meles Zenawi: Ciidamadeena mar dhaw ayey dalka kusoo laaban doonaan

Ra’isulwasaaraha dalka Ethiopia Males Zanawi ayaa sheegay in ciidamadiisa uu dhawaan kala bixi doono dalka Soomaaliya xilli ay haatan dagaal kula jiraan xoogaga Al Shabaab gudaha dalka Soomaaliya.

Mr. Meles oo hadalkaan jeediyey xilli uu shalay qudbad u jeedinayey baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay ku wareejin doonaan gobolada ay haatan joogaan ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee ka kala imaan doona dalalka Burundi, Kenya, Djibouti iyo Rwanda.

Xiliga uu ciidankiisa ka saari doono Soomaaliya muusan sheegin, hase yeeshee waxa uu ku xiray waqtiga ay yimaadaan ciidankaasi isagana uu kala baxayo ciidankiisa.

“Ujeedada ku luglahaanshaheena waxay aheyd in aan garab ku siino ciidamada dowlada FKMG Soomaaliya si ay u wiiqaan Al Shabab waana ku guuleysanay,” sidaa ayuu Males u sheegay baarlamaankiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.