Xafiiska UNPOS oo maanta laga furayo magaalada Muqdisho

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho laga furo xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNPOS.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saakay la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in mudo 21 sano kadib ay Qaramada Midoobay maanta usoo guureyso Soomaaliya kana furaneyso xafiisyadeedii.

“21 sano ka bacdi waxaa imaanaya safiirki UN-ka ee Soomaaliya, wuxuu halkaan Muqdisho ka furayaa xafiiski, taasi waxaan filayaa inay ku dhiiri gelin doonto dowlaha kale ee caalamka in ay safaaradahooda ka furtaan Muqdisho,” ayuu yiri Tarsan.

Xafiiska UNPOS ayaa tan iyo bur burki dowlada Soomaaliya ku shaqeynayey magaalada Muqdisho, waxaana usoo guuritaanka Muqdisho ku dhawaaqay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo Muqdisho soo booqday dhamaadka sanadki hore.

Hada waxaa socanaya qaban qaabo lagu furayo xafiiska, waxaana loo saadaalinayaa in laga furo guryaha ku yaala duleedka Muqdisho, warar kalana waxay sheegayaan in laga furi doono xarunta Xalane dhaxdeeda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.