Xafiiska AU oo Muqdisho loo soo raray

Xafiiska Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu guuray magaalada Muqdisho.

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa xafiiska Midowga Afrika u raray magaalada Muqdisho, kaasoo muddadii saddexda bilood ee uu xilka hayay ka howlgalayay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Danjire Mahamat ayaa rajo ka muujiyey in go’aanka la xiriira rarista xafiiska Midowga Afrika uu ku dhiirri-gelin doono hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha inay qaadaan tallaabo taas la mid ah.

Dhinaca kale, danjire Mahamat ayaa la kulmay wafdi xildhibaanno ah oo ka socda baarlamaanka dalka Burundi oo booqasho ku jooga Muqdisho, kuwaasoo danjiraha ku booqday xafiiskiisa.

Danjiraha ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada Burundi booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho si ay indhahooda ugu arkaan shaqada wanaagsan ee ciidanka Burundi iyo saaxiibbadood kale ee ka socda dalalka Afrikaanka ay ka wadaan Soomaaliya si dalku uu u gaaro nabad iyo kala dambayn

Arintan ayaa muujinaysa yididiilada la taaban karo ee dhanka amniga iyo horu marka Siyaasada ee ay ku talaabsaday dalka Soomaaliya,dhamaan bulshada Soomaaliyeed ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya dadaalada ay ku dooneyso soo celinta xiriirkii Soomaaliya kala dhexeeyey beesha caalamka waxayna xiligan ku hawlantahay dowlada Soomaaliya kasbashada taageerada wadamada caalamka kuwaas oo u muujiyey taageero hagar la’aaneed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here