Xabsiga Baydhabo oo ay ka Baxsadeen Maxaabiis Al-shabaab ah

Wararka aan ka helyno magaalada Byadhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in xabsiga magaaladaasi ay ka baxsadeen maxaabiis badan, kuwaasoo intooda badan la sheegay inay yihiin Alshabaab.

Sida ay Midnimo.Com u sheegeen dadka magaalada Baydhabo Maxaabiista ayaa ka baxsaday Xabsiga, waxaana ku jiray Rag badan oo ka tirsan Dagaalyahanada Alshabaab.

Warar hoose oo laga helayo xabsiga ayaa sheegaya in maxaabiista ay uga baxsadatay xabsiga si qorsjeysan, waxaan jira warar sheegaya in ay ka shaqeeyeen kooxo banaanka ka jooga Xabsiga.

Saraakiisha Itoobiya ayaa bilaabay inay baaraan qaabka ay  baxsadeen Maxaabiista Alshabaabka ah, iyagoo ka shaki qabo in lagu sii daayay qaab musuq maasuq.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here