Xaaladda Kismaayo oo Cakiran iyo Ciidamada Huwanta oo ku Dhaqaaqay

Waxaa cakiran xaaladda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana saacadba saacadda ka dambeysa kusii siqaaya Ciidamada huwanta ee dagaalka kula jira Al shabaab.

Ciidamada ayaa waxaa ay kasoo dhaqaaqeen subaxnimadii hore ee Saaka Tuulada Biibi oo shalay ay la wareegeen, waxaana ay saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Jubada Hoose kusugan ay sheegayaaan in ujeedadoodu tahay sidii ay saacadaha soo socda ula wareegaan gacan ku haynta magaalada Kismaayo.

“Ciidamadu way dhaqaaqeen waxay xilligan gaareen meel dhowr KM u jira halkii ay ka dhaqaaqeen oo ah Tuulada Biibi, hada aniga waxaan saaranahay gawaarida dagaalka codna ma bixi karo laakiin waxaan kuu xaqiijinaa in Ciidamadu saaka guureen ayna doonayaan in Kismaayo ay gaaraan saacadaha soo socda ilaa hadana wax iska cabin ah lama kulmin” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka Maxamed Faarax Daahir.

Dhanka kale faah faahin ayaa kasoo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkii shalay labada dhinac ku dhexmaray deegaanka Birta Dheer oo Kismaayo u jira 60-KM, dagaalkaasi oo ay ka qayb galeen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxaa guulo ka sheegtay saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Waxaa weli cakiran xaaladda guud ee magaalada Kismaayo oo ah meesha uu ku wajahan yahay dagaalku, dadka magaalada ku dhaqan ayaa waxay ka cabsi qabaan saamaynta dagaalka, waxaa jira dad magaalada ka barakacay hase yeeshee waxaa badan kuwa magaalada ku haray.

Sikastaba lama oga wakhtiga lagu kala bixi doona xaaladda maagalada Kismaayo oo iminka aad u kacsan waxaana magaalada maanta laga soo sheegaaya cabsidii ugu darnayd.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here