Xaaladda Guriceel oo Cakiran iyo Ahlusunna oo u Kala Jabtay Labo Garab

Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud waa mid cakiran waxaana ka taagan xiisad dadka cabsi gelisay.

Xaaladda degmada ayaa cakirnayd ilaa xalay fiidkii xilligaasi oo ay saldhiga degmadaasi weerareen kooxo hubaysan oo fasaxay intii badnayd maxaabistii ku jirtay saldhiga degmada.

Sidoo kale kooxaha hubaysan ayaa waxay weerareen guryaha ay degmada ka degan yihiin Guddoomiyaha gobolka Galguduud iyo Guddoomiyaha degmada Guriceel.

Xiisadaha ka jira degmada Guriceel ayaa sal ku haya iska hor imaad dhowaan ka dhacay degmada Matabaan, waana arrin u dhexaysa dad taageersan Dowladda iyo kuwa taageersan Ahlusunna.

Ciidamo taageersan Guddoomiyaha Dowladdu dhowaan u magcowday Guriceel iyo Ciidamo kale oo taageersan Ahlusunna ayaa lagu arkaayaa gudaha magaalada oo maanta u muuqda mid bandow ah.

Ciidamada Ethiopia ee kusugan degmada Guriceel ayaa saaka la wareegay amniga degmada ilaa xalay ahaa mid aan cidina si buuxda u maamulin, Ciidamada Ethiopia ayaa la wareegay goobo uu kamid yahay saldhiga Booliska iyo xarunta degmada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here