Xaaladda Afgooye iyo Isbadalka ka jira Sawiro

Magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaay ka mid tahay
magaalooyinka ugu wax soo saarka badan khudaarta dalka Soomaaliya.

Magaalada waxaa ku yaalla aseendooyin waayn oo beero ah, in kastoo
beerahaas ay saameen ku yeesheen dagaaladii ka socday dalkam, haddana
wali waxaa laga soo guraa khudaar iyo dalag dalka meelo badan oo ay ku
jirto caasimada la keeno.

Haddaba qaar ka mid ah wariyaasha shabakadda Midinimo ayaa maanta oo
Khamiis ah [18.04.2013] waxa ay howlo shaqo u tageen magaalada
Afgooye, iyagoona sii maray waddada u dhexeysa Muqdisho iyo degmada
Afgooye.

Magaalada Afgooye waxa ku nool dad aad u badan, waxaa magaalada hadda
ka da’aya roobka gu’ga, kaasoo si fiican biyo u dhigay meel kasta,
khudaarta ayaa si fiican loo abuuray, dadka beeraleyda ee ku nool
magaalada aad ayey ugu hami qabaan in sannadkan ay beeraha u
tacbadaan, waayo waxa ay heleen roob aad badan.

Magaalada markii aan galnay, dadka ma ahayn kuwa ay ka muuqato abaar
iyo diif, dhirta iyo xoolo badan oo indhaha ay qabteen ma xumayn il
qabad kooda, oo waxa ay ahaayeen kuwa indhaha loo dhameen karo.

Magaalada ayaa gudaha ugalnay dhowr qof ayaa durba nagu soo xoomay,
laakin waa ay i na bargarteen in aan nahay suxufiyiin, durba waxaan
aadnay wabiga Afgooye oo u dhow banaanka hore magaalada, biyo badan
ayaa ku jiray , waxaana ku dabaalanaayay dhowr carruur ah, kuwaasoo
iyagana ku faraxsanaa dabaasha ay u soo aaden wabiga.

Carruurta maalmaha khamiista iyo Jimcaha wabiga Afgooye waxa ay u soo
aadaan dabaal, qaarna waxa ay soo aadaan in ay soo arkaan wabiga.

Intii aan joognay magaalada waxaan ku aragnay xoolo badan, kuwaasoo
iyana dhogortooda ay aad u fiicneed, waxaana dadkii lahaa ay noo
sheegeen in wax abaar aysan waayahan arkin.


Isku soo duub safarkeena ayaa ku soo dhammaaday si guuul ah, waxaana
aan ku soo laabanay magaalada Muqdisho oo aan markii horre ka
ambabaxnay.

La soco qayb kale oo ah warbixino aan ugu hadli doono wixii aan ku soo
aragnay waddada u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here