Xaalada xusni mubaarak oo laga deeyrinayo

 xaalada madaxweeynihii hore ee maser xusni mubaarak oo maalmo kahor laxukumay xabsi daa’in ayaa laga deeyrinayaa,xusni mubaarak oo hada kujira xabsi lagu magacaabo dura ayaa lasheegay inuu uu waayay neefta oksojiinta kadib markii uu dhiiga kukacay

Mid kamdi ah masuuliyiinta xabsiga ayaa wakaalada wararka ee bariga dhexe usheegay in laga yaabo in xusni mubaarak loo qaado isbitaal ay leeyihiin ciidamada milatariga islamarkaasna loo diyaarinayo dhaqaatiirta ugu caansanw adanka maser si ay ulatacaalaan xaaladiisa caafimaad

Maamulka xabsiga dura ayaa uyeeray dhaqaatiirta ugu waaween maser ee daweeya xanuunada qalbiga iyo dhiig karka si ay baaritaan ugu sameeyaan xaalada xusni mubaarak oo labadii maalin ugu danbeeysay soo xumaaneeysay ,xusni mubaarak ayaa alsheegay inuu aad uga xumaaday xabsi dainka lagu xukumay taas ayaana keentay inuu ku furmo problem xagga maskaxda ah iyo niyad jab tan iyo markii loosoo wareejiyay xabsiga durra

Waxaa xusid mudan in xaalada xusni mubaarak ay aad uxumaatay kadib markii ay maalintii shalay soo booqdeen xaaskiisa suusaan iyo qadiija Jamaal oo ah xaaska wiilkiisa Jamaal iyagoo maamulka xabsiga kadalbaday ineey uyeeraan dhaqaatiir markii ay xaaladiisa xumaatay

Maamulka xabsiga ayaa uyeeray labada wiil ee uu dhalay mubaarak Jamaal iyo calaa si ay ugu dajiyaan madaxa kadib markii ay dhaqaatiirta kuwar galiyeen inuu ubaahanyahay qof uu wheel kadhigto

 SAAMI ADDOW