Xaalada Wariye C/qadir C. Cabdulle oo soo hagaageysa

Waxaa soo hagaageysa xaalada wariye C/qadir Cumar Cabdulle oo xalay ay kooxo hubeysani ku dhaawaceen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Wariyaha oo la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa waxa loo fidiyey gargaar deg deg ah kaasi oo ah in lagu shubo ilaa iyo 4 kiilo oo dhiig ah kadib marki uu ka go,ay xididka halbowlaha dhiiga ee lugta bidix.

Wariye Maxamed Maxamuud Timacade oo ka mid ahaa saxafiyiinti bilowgi hore u gurmatay isla markaana xalay isbitaalka kula hoyday ayaa sheegay in haatan uu wanaagsanyahay.

Timacade ayaa sheegay in laakin saxafiga ay ka jabtay lugta oo ay uga dhacday sadex xabadood, halka xabad kale oo afraad ay caloosha ka sartay.

Laba nin oo ku hubeesnaa bistoolado oo weeraray wariyaha ayaa goobta ka baxsaday mana jirto ilaa iyo iminka cid loo soo qabtay dhaawaca wariye C/qadir Cumar Cabdulle.

Sanadkaan kaliyah 5 wariye ayaa lagu weeraray degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sadex waa la dilay labana waa la dhaawacay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.