Xaalada wariyaashi ku dhaawacmay qaraxi shalay oo kasoo reyneyso

Waxaa kasoo reyneyso xaalada ku dhawaan 10 wariye oo shalay ku dhaawacmay qaraxi ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Wariyaashan oo kala ah Saleiban Sheik Ismail, Ahmed Ali Kahiye oo ka tirsan Radio Kulmiye,  Deeqo Mohamed Ahmed oo u shaqeysa Somali National Television, Hamdi Muhumad Hassan oo ka tirsan Somali Chanel, Sa’id Warsame Shuuriyaako oo ah saxafi ka tirsan Shabelle Media Network, Mohamed Shariif – Radio Bar-Kulan, Ayaan Abdulle Guure S24 Television, Mikail Hassan Ali oo ah farsamayaqaan u shaqeeya Somali National TV, Abdulkadir Mohamed Hassan (Timoos) oo garabka ka dhaawacan iyo Hassan Salah Hassan Adde oo isna ah sawir qaade ka tirsan Somali National TV.

Dhamaantood xaalkooda wuu wanaagsanyahay marka laga reebo Saciid Shuuriyaako oo ka tirsan Radio Shabelle kaasi oo si xun uga dhaawacan qeybta hoose ee jirkiisa, iyo Axmed Cali Kaahiye oo isna caloosha laga qalay.

Waa qaraxi ugu horeeyey oo intaasoo wariya ah hal mar ku wada dhaawacanta, waxaana saxafiyiintaan amaanay madaxweynaha Soomaaliya oo ku tilmaamay geesiyaal waqti adag u shaqeeyey umada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Dowlada KMG Soomaaliya ayaa gudi u saartay sidi loogu gurman lahaa dadki ku dhaawacmay qaraxi ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday munaasabad ka socotay Tiyaatarka Muqdisho.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ay kaga hadleen sida ugu dhaqsaha badan uguna sahlan ee loo caawin karo dadka qaba dhaawacyada gaar ahaan kuwa xaaladoodu ay liidato.

Wasiirada ayaa isku raacay in dowlada KMG ay u fududeyso in dibada loo qaado dadka liita ee qaba dhaawacyada halista ah isla markaana wax loogaga qaban waayey dalka gudahiisa.

Qaraxi shalay ayaa noqonaya kii sadexaad oo ay dad rayid ah si xun ugu  dhintaan uguna dhaawacmaan, waxa horay ay Al Shabaab ugu weerareen qaraxyo ismiidaamin ah Munsabad qalin jebin ah oo 3-di December 2009 ka dhacday Hotel Shamo kaasi oo ay ku dhinteen dad qaali ku ahaa dadka Soomaaliyeed iyo 4-ti Oktober 2011 oo qarax ka dhacay Hargaha iyo Saamaha lagu dilay arday fara badan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.