Xaalada qoysas Ku nool SH/DH oo walaac laga muujiyay

Gudoomiyaha degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe Axmed C/laahi Xasan, oo lahadlayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in dadkii ka barakacay degmada Warshiiq ay ubaahanyihiin in lala soo gaaro gargaar bini’aadanimo oo dhanwalbo ah.

“Waxaan u sheegayaa hay’adaha gargaarka ineey kaalmo lasoo gaaraan dadkaan, mahaystaan hooy iyo wax ay cunaan toona” ayuu gudoomiyaha usheegay warbaahinta.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in dib udajin loo sameeyo dibna loogu celiyo deegaanadii ay markii hore kasoo qaxeen.

“Dadkaas waxay u baahanyihiin dib udejin, oo lagu celiyo guryihii ay awal kasoo qaxeen” ayuu yiri Axmed C/laahi Xasan.

Waxaa hubaal ah in dadkii ka barakacay deegaanka Warshiiw iyo deegaanada kale eek u xeeran ay ubaahanyihiin kaalmo iyo in dib loogu celiyo deegaanadii ay markii horaba kasoo barakaceen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here