Xaalada Laascaano oo saakay dagan kadib dagaalo shalay ka dhacay

Waxaa saakay xasilan xaalada degmada Laascaanood ee gobolka Sool kadib dagaalo shalay ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Khaatumo.

Inkastoo ay xaaladu dagantahay, hadana waxaa wali is hor fadhiya ciidamada labada dhinac sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan halkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhaco.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa shalay ugu baaqay wada hadalo nabadeed oo dhexmara labada dhinac isla markaana la joojiyo dagaalada ka socdo gobolada Sool iyo Togdheer.

Laakin maamulka Khaatumo ayaa ku xiray wada hadal ay la galaan Somaliland in marka hore ay ciidankooda kala baxaan deegaanada uu ka taliyo maamulka Khaatumo.

Dhanka kale waxaa iyaduna xasiloon magaalada Buuhdoole ee gobolka Togdheer oo iyaduna shalay dagaal ka dhacay.

Dagaaladi shalay ayaa waxaa ku dhintay shan ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.