Xaalada Jowhar ay Saaka ku Waabariisatay iyo Bandaw Xalay ka Dhaqan Magaalada Mahadaay (AKHRISO)

Kadib markii shalay ciidamada Dawlada iyo kuwa Amisom ay lawareegeen magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa saaka waxa lagu soo waramayaa in jawiga uu yahay mid aad udeggan.

Bandaw dadka ay iskood isku saareen ayaa xalay magaalada ka dhaqan galay waxaana saaka lagu arkayaa maqaayadaha shaaha laga cabo dhalinyaro iyo odayaal ku qaxweynaya isbadalka ku yimid dhinaca maamulka Jowhar.

Inkastoo shacabka ku dhaqan Jowhar ay yihiin kor la salaaxay xadfin ma leh maamul walboo yimaadana udhago nuglaada ayaa hadana aad waxay ku niyad qaboobeen gaaritaanka Amisom iyo kuwa dawlada halkaasi.

Tusaale waxa kaaga filan markii shabaab iskaga baxeen magaaladaasi shalay subax waxaa xafiisyadii ay ku shaqeyn jireen oo bililiqo xoogan loogeystay.

Dadka ku dhaqan magaaladaas ayaa saaka waxay sheegeen inay xaaladu tahay mid deggan kuwaasi oo dibna loo furay goobihii ganacsi ee kuyaalla magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Dhinaca Degmada mahadaay wararka saaka aan ka helayno iyana waxay sheegayaan in ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ay banaanka magaaladaasi ku hoyden jawigana saaka uu yahay mid aad udeggan.

Dadka ku dhaqan degmada Mahadaay oo ubadan kuwo beero falato ah ayaa intooda badan waxay ujarmaadeen dhinaca beeraha iyadoona wax dhibaato ah magaalada aysan ka taagneyn tan iyo markii shalay gudaha ugaleen ciidamada kadibna uga baxeen.

Wixii kasoo kordha wararka deegaanadii shalay Shabaab laga qabsaday dib kala soco.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here