Xaalada guud ee Saaka ka jirta Xaafada Islii oo shalay ilaa Xalay Rabshado dhiig ku daatay ka soconayeen

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Somalida kubadan tahay ee Islii ayaa saaka sheegaya in xaaladeda ay deggan tahay kadib qarax iyo rabshado halkaasi ka dhacay galinkii dambe ee Shalay.

Bandaw dadka iyaga iskood isa saareen ayaa xalay ka dhaqan galay Xaafada Islii waxaana wali Xaafadaasi lagu arkayaa ciidamada Booliska ee amaanka suga iyagoona howlgalo ka fuliyey goobta qaraxa uu ka dhacay.

Galinkii dambe ee shalay qarax ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii deegaanka loo yaqaano Section One ayaa waxa lagu weeraray gaari rakaab siday (Mataatuu) waxaana ku dhintay lix qof oo Kenyan ah halka 28 kalena ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Caafimaadka Kenya ayaa sheegaya in khasaaraha uu ka badan yahay intii la ogaa iyagoo tibaaxay in dadka qaarkood dhaawacyada ugeeriyoodeen markii Cusbitalka Kenyatta Hospital la geeyey.

Somalida ku dhaqan islii ayaa wali saaka dareemaya cabsi xoogan iyagoo hanjabaad kala kulamaya shacabka kenyanka ee dalkaasi udhashay waxaana jiray gacan ka hadal dhexmaray xalay muwaadiniin Kenyan ah iyo shacab Somali ah.

Gacan ka hadalkaasi inkastoo aan la ogeyn inta uu gaarsiisanaa hadana waxaa lagu soo waramayaa in baangado lagu dhuftay wiil somaliyeed dhaawac soo gaarayna uu markii dambe cusbitaal ugu geeriyooday.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi (Indho-gamuun) ayaa somalida islii deggan usheegay inay is dajiyaan hay’adaha amaanka kenyana kala hadleen in laga hortago rabshado iyaga lagu bartilmaameedsado.

Wararkii ugu dambeeyey ee Xaafada Islii ka imaanaya Aroornimadaan ayaa sheegaya in xaaladu tahay mid deggan ilaa hadana ma jiraan goobo ganacsi oo la furay ajnabiga iyo muwaadiniinta intuba waxaa laga dhursugayaa xaalada siday noqon doonto waqtiyada dhaw.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here