Xaalada goobihi shalay lagu dagaalamay ee Muqdisho oo saakay xasiloon

Waxaa saakay xasiloon xaalada magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya kadib dagaalo xoogan oo shalay ka dhacay.

Deegaanada xasiloonida laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah Suuqa Xoolaha, Ex-koontarool, SOS iyo kuwo kale oo ay shalay gacanta ku wada dhigeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka AMISOM Pady Ankunda, ayaa ku tilmaamay dagaalki shalay mid ay ku xaqiijinayeen amaanka magaalada iyo sidi ay gacanta ugu wada dhigi lahaayeen meelaha yar ee u harsanaa.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowlada KMG Soomaaliya, C/laahi Cali Caanood oo hogaaminayey dagaalka ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay hada ku suganyihiin xeradi Maslax ee koontaroolka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa dhanka kale ku baaqday in ay dadka kusoo laaban karaan dhamaan xaafadaha ay qabteen, waxa uu si gaar ah u sheegay in hada kadib uu shaqadiisa caadi u bilaaban karo isbitaalka SOS oo awal ahaa furin.

Al Shabaab ayaa iyaguna sheegay in aysan ka bixin walina ku suganyihiin xaafada Suuqa Xoolaha, iyaga oo intaasi raaciyey in ay askar isugu jirta ciidamada dowlada iyo AMISOM ku dileen dagaalki shalay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.