Xaalada goobihi shalay iyo xalay lagu dagaalamay ee Muqdisho oo xasiloon

Waxaa daganaan laga sareemayaa goobihi shalay iyo xalay lagu dagaalamay ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku suganyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada dowlada ayaa heysta Jaamacada Muqdisho, Qabuuraha Barakaat iyo deegaanada la xiriira kuwaasi oo ay shalay ka qabsadeen Al Shabab, kadib dagaal xoog leh oo dhex maray labada dhinac.

Taliska ciidanka dowlada ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalada ilaa ay ka wada xoreynayaan caasimada, inkastoo hada ay u harsantahay qeybo yar oo ku yaala Hiliwaa.

Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa waxaa wali gacanta ku haya Al Shabab, iyadoo shalay ay soo baxeen war sheegayey in dowlada ay qabsatay, hase yeeshee taliska milatariga waxay xaqiijiyeen in aysanba jirin weerar ay ku qaadeen aaga Suuqa Xoolaha.

Dagaalki shalay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 15 ruux oo labada dhinac ah, waxaa ku jiray taliye sare oo ka tirsanaa dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.