Xaalada Degmada Guriceel oo saaka deggan kadib Rabshado shalay ka dhacay

guriceel31Shalay Khamiistii waxa ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka G/gaduud Mudaaharaad ay dhigayeen dadka ku dhaqan degmadaasi ugana soo horjeedeen in ciidanka dawlada lagu wareejiyo Guriceel islamarkaana Ahlunadii maamuleysay degmadaasi laga saaro.

Banaanbaxaasi ayaa waxa uu ahaa mid rabshado watay taasi oo keentay in ciidanka ay rasaaseeyaan dadkii dibadbaxa ka qeyb galay waxaana rasaastaasi ku dhintay 2 ruux 5 kalena way ku dhaawacmeen.

Xaalada Degmada Guriceel ayaa caadi kusoo laabatay jawigeeda iyadoona Saaka oo jimco ah dadku hadal hayaan keliya wixii shalay dhacay oo dadku iska wareysanayaan.

Jawiga sida kale waa caadi waxaana furan goobihii ganacsi inkastoo jimco tahay oo dadka badankood iska nasanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here