Xaalada degmada Dhuusamareeb oo degen caawa iyo ciidamadii Alshabaab oo dib u laabtay.

Wararka u dambeeyey ee ka imanaya degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladeeda ay degen tahay kadib markii ay ciidamadii Alshabaab ee weerarka ku soo qaaday ay dib uga noqdeen magaalada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qasaare labada dhinacba uu ka soo gaaray dagaalka maanta ka dhacay degmada Dhuusamareeb. Hase yeeshee lama oga illaa iyo hadda sababta dhhabta ah ee keentay dib u noqoshada ciidamada Alshabaab.

Saraakiisha ururka Ahlu Sunnah ayaa waxa ay sheegeen inay weerarka ay soo qaadeen ciidamada Alshabaab ay dib u celiyeen isla markaana jab xoogan ay gaarsiiyeen.

Hase yeeshee sarakiil kale oo u hadashay ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay sheegeen inay ujeedooyinkii ay ka lahaayeen weerarka ay ku soo qaadeen magaalada Dhuusamareeb ay gaareen isla markaana ay dib ugu noqdeen fariisimihii ay ka soo baxeen ciidamadooda.

Illaa iyo hadda ma cada in dad rayid ah ay wax ku noqdeen dagaalka waayo    iyadoo dadka ay ka kala carareen magaalada oo ay duleedka magaalada gaareen.

Dagaalkan ayaan ahayn kii ugu horeeyey oo ay ciidamada Alshabaab soo weeraraan xilli galabnimo ah kadibna gudaha u galaan magaalada Dhuusamareeb isla habeenimadaana dib ugaga noqdaan.

Xiisado dagaal oo xoog leh ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay gobolka Galguduud.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com