Xaalada degmada Dayniile oo saakay dagan

Waxaa saakay xasiloon xaalada degmada Daayniile ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu shalay dagaal xoogan ku dhex maray ciidamada is garabsanaya iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Inkastoo uusan jirin dagaal hadana waxaa mararka qaar la maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay ridayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, iyadoo Al Shabaab oo deegaanka laga qabsaday shalay ay duleedlka magaalada xabado kasoo tuurayaan sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka dowlada.

Taliska AMISOM ayaa shalay shaaciyey in ay gacanta ku dhigeen garoonka diyaaradaha ee Daayniile, Isbitaalka iyo Gurigi Qanyare, hase yeeshee gudoomiyaha Al Shabaab ugu qeybsan gobolka Banaadir ayaa warkaasi beeniyey.

Ilo wareedyo ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in dagaal culus uu shalay gelinki danbe ka dhacay garoonka macmalka ah ee Daayniile, kadib marki Shabaab ay weerar kusoo qaadeen.

Si kastaba ha ahaatee, qabsashada degmada Daayniile ee ciidamada dowlada iyo Amisom ayaa waxay ka dhigantahay in hada dowlada KMG ah si buuxda u wada qabsatay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.