Xaalada Degmada Baraawe & Ciidan Xoog badan oo isku hareereeyey

somalia-shabaab-barawe

Ciidanka Dawlada iyo Kuwa AMISOM ayaa waxay weerar ku qaadeen Deegaano hoostaga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose iyadoona xiisad dagaal ay ka socdaan halkaasi.

Warbaahinta Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ciidanka iskaabaya ay ku dhaw yihiin Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaana ay dawlada Soomaaliya sheegtay inay la wareegeen Tuullada Maryan-gubaay oo wax yar u jirta Baraawe.

Ciidanka Al Shabaab ayaa heegan xoogan la geliyey Degmada Baraawe kuwaasi oo doonaya inay difaacdaan Degmada Xeebta leh ee Baraawe oo ah meesha hadda lagu tilmaami karo in Shabaabku ay kuxoogga Badan yihiin.

Saraakiil uhadashay ciidanka Dawlada Somaliya ayaa waxay sheegeen in Saacadaha Soo socda ay doonayaan inay qabsan doonaan degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Faah faahino wixii kasoo kordho Xaalada Degmada Baraawe dib kala Socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here