Xaalada deegaanka Inamaad ee gobolka Galguduud oo saakay dagan

Waxaa saakay xasiloon xaalada deegaanka Inamaad oo ka tirsan degmada Gadoon ee gobolka Gaguduud ayaa saakay xasiloon kadib marki shalay halkaasi dagaal beeleed uu ku dhexmaray laba maleeshiyo.

Dagaalki shalay oo ay ku dhinteen ilaa iyo shan ruux ayaa aad u sameeyey dadka deegaanka, waxaase marki danbe kala dhexgalay ciidamo taabacsan dowlada horayna u ahaan jiray Ahlu Sunna.

Waan waan ay kadib bilaabeen odayaasha labada dhinac iyo maamulka magaalada Dhuusamareeb ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa keenay in xaalada deegaanka ay hada noqoto mid dagan.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee Macalin Badiraxman Geedaqorow ayaa sheegay in ay ku guuleysteen dhex dhexaadin, isaga oo ka codsaday dowlada KMG Soomaaliya in ay gacan ka geysto sidii maamul loogu sameyn lahaa deegaankaasi.

Dagaalki shalay ayaa salka ku hayey sheegashada dhul iyo aano qabiil oo horay u dhex taalay labada maleeshiyo beeleed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here