Xaalada Ceelasha oo Deggan & Dadka oo Xalay Hurdi waayey

Suuqa-ceelasha-biyahaXalay Saqdii dhexe ayaa waxa laga war helay Jug xoogan oo dhinacyo kala duwan ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah waxay ku qaadeen fariisimo ciidanka dawlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Ceelasha Biyaha waxaana weerarka uu isku badalay dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka kala duwan.

Dadka deggan Ceelasha Biyaha waxay sheegeen inaysan Xalay hurdin maadama casbi xoogan ay soo wajahday madaafiicda la isku adeegsanayeyna ay argagax ka qaadeen.

Ururka Al Shabaab ayaa waxay sheegeen in khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkii xalay ilaa saaka ka dhacayey Deegaanka Ceelasha Biyaha mana heyno wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Dawlada iyo AMISOM oo ay dagaalkaasi kaga hadlayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here