Xaalada caafimaad Wariye Axmed oo ku dhaawacmay qarrixii Villa Somalia

1743480_631835043562087_1744109308_nWaxaa soo hagaageysa xaalada wariye Axmed Saciid Axmed (Ordaaye) oo shaley ku dhaawacmay qarrax shaley ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Wariyaha oo ka jabay mid ka mid ah labadiisa gacan iyo feer, ayaa hadda ku jirra Isbitaalka Shifo ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Idaacadda Kulmiye, Abwaan Guure oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalada wariyaha ay aad u fiican tahay balse uu dhiig lagu shubo u baahan yahay.

Wuxuu sheegay in wariyaha ay dhawaa filayaan in uu ka kaco dhaawac soo gaaray in shaa Allah.

Wariye Axmed Ordaaye ayaa shaley ku dhaawacmay qarixii ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here