Xaalada Caafimaad Isbitaalka Magaalada Kismaayo Warbixin & Sawiro

Telefeshinka Caanka ah ee Al-jaziira, bogga uu kuleeyahay Internetka, ayuu ku qoray warbixin xiiso leh, oo uu kaga hadlayo sida ay tahay Xaalada Caafimaad Isbitaalka magaalada Kismayo.

Phil Moore/Al Jazeera
Phil Moore/Al Jazeera

Dr Omar Saleh, oo ah madaxa hay’ada Caafimaadka QM ugu qaabilsan Soomaaliya, ayaa waxa uu Kismaayo markii ugu horeesay tagay sanadkii 2007, markaasoo ay ciidamadii Ethiopia oo garab siinaya doowladii KMG ahayd ee Cabdulaahi Yuusuf ay magalada ka saareen Maxaakiimtii Islaamiga.

Laakiin Sanadihii ugu danbeeyay Dr Omar Saleh, ma’uusan awoodin inuu ka howlgalo Isbitaalka Kismaayo, maxaa yeelay waxaa halkaas mudo 4 sano ah magaalada ka talinayay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, oo iyagu joojiyay dhamaan hay’adaha gargarka ee hoos taga QM ineey ka shaqeeyaan meelaha ay maamulaan.

Kadib markii ay Ciidamada Kenya, kuwa doowlada iyo kuwa Raaskambooni, ay bishii sebtember 2012 Kismaayo dib uga saareen Al-shabaab, ayaa waxa markale dib usoo laabtay rajadii laga qabay in hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa gargaarka, ay markale ka howlgalaan Kismaayo.

Dr Omar Saleh, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Kismaayo markale dib ugu soo laabtay October 2012, kadib markii halkaas laga saaray kooxda Al-shabaab oo iyagu mudo dheer magaalada ku maamulayay xukun adag iyo cabsiin.

Isbitaalka Kismaayo, waxaa ladhisay 1931, waxaana dhisay gumaystihii Talyaaniga oo waagaas gumeys jiray Koofurta Soomaaliya, waxaana hada isbitaalka kamuuqda bur bur baahsan oo ay saameynta ugu ballaaran ku yeesheen dagaaladii mudada faraha badan kadhacayay magaalada.

Isbitaalka kismaayo mahelin wax dayactir ah mudadii ay ka talinayeen Al-shabaab.

Amaanka magaalada kismaayo, waa mid ay weli ku hareereeysanyihiin qataro farabadan, taasoo aan suurtagal ka dhigeyn in hay’adaha Caalamiga ah ay markale ka howlgalaan, waxaana jiray hay’ado Caalami ah oo farabadan oo mudooyinkii u danbeeyay soo booqanayay magaalada, laakiin ilaa iyo hada waxaa jira tiro yar oo kamid ah hay’adahaas kuwaasoo fuliyay ballanqaadyadii ay sameeyeen.

Qaybo kamid ah qolalka Isbitaalada ayaa ah kuwo soo dumi kara saacad walba, waxaana soo dumi raba dhinacyada iyos aqafka qolalkaas.

Phil Moore/Al Jazeera
Phil Moore/Al Jazeera

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here