Xaalada Baydbabo oo caawa degan kadib qaraxyo fiidnimadi caawa lagu weeraray

Waxaa caawa xasiloon xaalada magaalada Baydhabo kadib marki kooxo hubeysani ay bambooyin ku weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowlada.

2 ruux ayaa ku dhimatay 5 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray sida ay xaqiijinayaan wararka, kadib marki rag ka tirsanaa Al Shabaab ay bambo gacmeed ku tuureen ciidamo marayey xaafada Suuqa Badarka.

Labada ruux ee dhintay ayaa lagu sheegay dad rayid ah oo wadada marayey kuwaasi oo ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada dowlada kadib qaraxa.

Sarkaal u hadlay ciidamada amaanka Baydhabo ayaa sheegay in kooxihi bamka tuuray ay carareen iyaga oo dhaawacyo qaba sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kalana dagaal xoogan ayaa galabta gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowlada oo kaashanaya Itoobiyaan iyo Al Shababa oo dhinac ah.

Dagaalka oo ka dhacay meel u dhaxeysa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ayey wararku sheegayaan in ciidamada isgarabsanaya ay u suura gashay in ay kusoo dhawaadaan magaalada Xudur.

Xaalada Xudur oo xarun u ah gobolka Bakool ayaa caawa qasan, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo aadan ay galaan ciidanka Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.