Xaalada Baladweyne oo saakay dagan kadib dagaalo shalay ku dhexmaray Ahlu Suna iyo Doxada Shabelle

Waxaa saakay xasiloon magaalada Beledweyne kadib marki ay shalay gelinki danbe ku dagaalameen maleeshiyaadka maamulada Dooxada Shabelle iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo midba sheeganayo inuu qabsaday magaalada Baladweyne

Dagaalka oo shalay gelinki danbe bilowday soona gaaray fiidki ayaa waxaa la sheegayaa in ay qaadeen maamulka isku magacaabay Dooxada Shabelle iyaga oo weeraray meel lagu magacaabo Golfaale oo duleedka Baladweyne ah halkaasi oo ay fariisin ku lahaayeen Ahlu Sunna.

Sarkaalka ay Ahlu Sunna usoo magacaabay gobolka Hiiraa Aadan Cabdulle Cawaale ayaa ku eedeeyey Dooxada Shabeelle in ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen ciidankooda, isaga oo sheegay in hada kadib aysan waxba u dhaamin Al Shabaab.

Laakin Dooxada Shabelle oo warkaasi ka jawaabtay ayaa sheegtay in la weeraray madaxweynahooda ninka la yiraahdo C/laarin Xasan Afrax.

Magaalada ayaa hada dagan waxaana si caadi ah u socda ganacsiga, isu socodka dadka iyo gaadiidka iyo guud ahaan nolosha.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.