Xaalada Amaan ee Soomaaliya Warbixin

Amni iyo nabad ku wada noolaasho in la gaarsiiyo Soomaaliya ma ahan howl fududu, Colaadaha iyo dagaalada Sokeeye ee daba dheeraaday awgii ayaa dad badan oo xiligaan jooga waxa ay ku keentay ineey aaminaan in aaneyba arki doonin Soomaaliya oo wada xasiloon inta ay noolyihiin.

Caqabada 1aad ee doowlada kasta ee Soomaaliya soo martay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, waxay ahayd in ay ku guul dareysatay ineey amaan buuxa dhaliso walina waa caqabada ugu weyn eek u hor gudban doowlada federaalka Soomaaliya.

Waxaa Soomaaliya jooga oo amniga gacan ka siiya doowlada Ciidamo shisheeye, kuwaas oo la aaminsanyahay hadii aysan joogi lahayn in xaajadu sidaan ka duwanaan lahayd.

Masuuliyiinta doowlada ayaa waxa ay ku cel celiyaan, in amniga uu yahay tiirka koowaad ee ay ahmiyada siinayaan, hase yeeshee waxaa jirta kooxda Al-shabaab oo si cad uga soo horjeeda dagaalna kula jirta doowlada iyo AMISOM.

Dadka gudaha jooga ee Siyaasada Soomaaliya ka faalooda, aya qaba in doowlada xoogaay horay u kac yar ay ka sameysay xiriirkii diblomaasiyada Caalamka, oo ay heshay aqoonsi Caalami ah, waxaana Isbuucaan magaalada London ka bilaaban doona shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Ujeeda shirka:

“Muhiimada shirkaasi laysugu yeeray wax kale maaha, dadka Soomaaliyeed side loo garab istaagaa dadkiisii waa istaageen waana dhaqaaqeen, nabad iyo doowladnimo ayay u dhaqaaqeen ee sideen u garab istaagnaa waaye muhiimada shirkaasi looga hadli doono” sidaa waxaa yiri madaxweyne Xasan Shiikh oo sharxayay u jeedada shirka London beri (Talaado) ah ka furmaya.

Laakiin dadka Siyaasada Taxliiliya ayaa qaba in doowlada wax horukac aysan ka sameynin marka ay timaado amniga gudaha.

Dhalinyarada Al-shabaab:

Madaxweynaha oo sharxaya aragtida uu ka aaminsanyahay dhalinyarada ku jirta Al-shababaab ee qaraxyada iyo weerarada ku qaada goobaha ay doowlada maamusho, ayaa yiri.

“Doowlada Soomaaliyeed waxay geed dheer iyo geed gaaban u fuuleeysaa, sidii xirfado iyo waxay ku noolaadaan ay ugu abuuri lahayd dhalinyarada ka bar bar dagalamaya Al-sbabaab, oo ay sharaftooda iyo Karaamadooda ku ilashadaan, islamarkaasna ay ugu qidmeeyaan Dalka, Diinta iyo dadka, ma dooneeyno inaan daba kacno, madooneeynoinaan layno, dabcan ninkii fidno wada oo qarax la ordayo waa sidaan u sheegay waa laga hortagaa waliba si aan dabac iyo daganaasho lahayn…”.

Sidee looga hortagi karaa weerarada Al-shabaab:

Waxaa adag in la koontaroolo ama laga hortago qof nafteeda nacday oo is dileysa, weerarada Ururada Al-qaacida ku xirana waa kuwo ka dhaco dalal Soomaaliya ka waaweyn sida Mareeykanka, Ciraq, Afganistaan iyo meelo kaloo dunida kamid ah, laakiin kuwa Soomaaliya kadhaca gaar ahaan Muqdisho, waxay kuwaas kaga duwanyihiin ineeysan jirin cid dabagasha ama baaris ku sameysa sida uu ku dhacay iyo cida ku lugta leh.

1-Doowlada waxaa la gudboon ineey si xoogan uga hortagto weerarada Nuucaan oo kale ah, islamarkaasna la howlgaliyo dhalinyaro leh xirfada sirdoonka, gaar ahaan dhalinyarada aan balwada lahayn ee kasoo baxay dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha.

2-Waa in doowlada ay hanataa dhaman qaybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaasna ay jiraan wada shaqayn dhexmarta Ciidamada amaanka iyo bulshada ku dhaqan goobaha ay doowlada Maamusho, laakiin hadii uu Askariga doowlada dareeskeeda ku labisan uu dhac, dil iyo Kufsi bulshada kula dhaqaaqo ma jireyso wadashaqayn dhexmari karta.

3-Waa in doowlada aysan marnaba soo dhaweysan dhagar qabayaasha kasoo goosta Al-shabaab ee dhankooda isku soo dhiiba iyagoo xanbaarsan falal guracan iyo dhagar, waxaa dhacday in dhowr mar ay isqarxiyeen ama falal shirqool ah ka fuliyaan dhanka doowlada dhalinyaro markii hore isku soo dhiibtay ineey kasoo goosteen Al-shabaab.

4-Waa inuu jiraa laxisaabtan ka dhan ah gudoomiyayaasha degmooyinka, oo lagula xisaabtamaa dilalka iyo dhibaatada ay shabaab ku hayaan shacabka ay matalaan.

5-Sidoo kale madaxda doowlada, Xilibaanada iyo wasiirada waa ineey dagaan dhamaan degmooyinka kala duwan ee Muqdisho, maxaa magaalada Muqdisho sida aan ka warqabno masuuliyiinta doowlada dhamaan waxay isugu tageen degmooyinka X/weyne, Waberi, Wardhiigleey, halka degmooyinka soo harayna ay wali si dadban u maamulaan Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee dadka Soomaaliyeed waxay u oomanyihiin nabad, waxaana la rumeysanyahay Nabad aaney iyaga gacantooda ku keensan in aaneey jirin cid usoo waaridi karta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here