Xaalada ajaanib gacanta ugu jirta Burcad-badeeda Soomaaliyeed oo laga deyrinayo

Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida oo gacanta ku haya ku dhawaad 25 lahayste, oo ukala dhashay wadamada Finland, India, islamarkaasna mudo 10 bilood ah ay gacanta ku hayeen, ayaa waxaa laga deeyrinayaa xaalada Caafimaad ay ku noolyihiin.

Qaarkamid ah lahaystayaasha oo si qarsoodi ah ula hadlay warbaahinta, ayaa waxay sheegeen in xaaladooda Caafimaad ay tahay mid aad u liidata, waxayna tilmaameen in 3 kamid ah ay dhinteen.

Sidoo kale qaar kamid ah burcad-badeeda gacanta ku haysa lahaystayaashan, ayaa waxay sheegeen in ay weli hayaan markabkii ay kusoo qabteen, waxaana afhayeen u hadlay kooxdaan burcada ah uu shegay ineysan sii deyn doonin lahaystayaashan ilaa ay ka helaan lacago madax furasho ah oo uu ku sheegay ineey ka badantahay 20 milyan oo doolar.

Kooxaha burcad-badeeda Soomaalida, oo ku xoogan kana dhaqadhaqaaqa deegaanada Puntland, ayaa mudo sanad ah sameeynin wax afduub markab ah, waxaana taas loo sababeeynaya howlgalada maraakiibta iyo Ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha badda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here