Xaalad kacsanaan ah oo laga dareemayo degmada Buuhoodle

Waxaa xaalad daganaansho la,aan ah ay wali ka jirtaa degmada Buuhoodle oo ay shalay dagaalo ku dhex mareen ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo deegaanka kasoo jeedo.

Saakay waxa labada dhinac uu waaga ugu baryey duleedka magaalada halkaasi oo ay wali isku hor fadhiyaan waxaana laga baqanayaa in dagaal kale uu saakay halkaasi ku dhexmaro.

Wararki ugu danbeeyey ee aanu ka heleyno Buuhoodle waxya sheegayaan in dadka intiisa badan uu ka barakacay magaalada iyaga oo u cararay deegaanada u dhaw dhaw magaalada si ay uga baxsadaan qatar kaga imaan karta dagaalada.

Waxaa wali gacanta ku haya magaalada maleeshiyada kasoo jeedo gobolka ee diidan maamulka Somaliland, kadib marki ay shalay ku waayeen dagaal inkastoo marki danbe ay dib ula wareegeen gacan ku heynta.

Dagaalki shalay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo isugu jiray dhinacyadi dagaalamay iyo dad rayid ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.