Xaalad deggenaasho oo maanta laga dareemayo Buuraha Gal gala

galgalaXaalada deggenaasho ayaa laga soo sheegayaa saaka oo Arbaco ah Deegaanada ku teedsan Buuraha Caal madoow (buuraha Gal gala) ee Gobolka Bari.

Kadib 72 saac oo dagaalo xiriir ay ka socdeen halkaasi ayaa jawigu saaka waxa uu yahay mid xasiloon waxaase weli is hor fadhiya baa lasoo warinayaa ciidankii dagaalamay.

Ciidamada Maamulka Puntland iyo Ciidanka Ururka Al Shabaab ayaa isku fara saaray Buuraha Gal gala waxaana madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo hadlay uu sheegay inay soo afjareen dagaal seddex maalin ka socday Buuraha Gal gala ayna ku dileen 20 dagaalame oo shabaab ahaa kuwo noolna ay qabteen sida uu hadalka u dhigay.

Dadka reer miyiga ubadnaa ee deggenaa Buuraha Gal gala ayaa waxay iskaga barakaceen halkaasi si aysan dagaalka waxyeelo uga soo gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here