Xaaji Abuukar: ‘Al Shabaab horay waxay iiga dileen walaalkeey Cumar Fiyaasko hadana waxay iga bur buriyeen gurigeygi dhaxalka’

Waxaa marki ugu horeysay warbaahinta la hadlay milkiilaha dhisma weyn oo ay Al Shabaab todobaadki hore bur buriyeen kaasi oo ku yaala deegaanka KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Xaaji Abuukar Sheekh Cali oo ah ganacsade si weyn loogaga yaqaano magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad uga naxay marki uu maqlay in gurigiisa ay Al Shabaab miinooyin ku xir xireen isla markaana bur buriyeen, isaga oo intaasi raaciyey inuu fahmi la,yahay halka ay kala dagaashanyihiin.

Wuxuu sheegay in gurigiisi ay ka gashay dhismihiisa lacago ka badan laba milyan oo doolar sidoo kalana uu ahaa dhul uu dhaxal ahaan u siiyey aabihiis.

” Dhulkasi wuxuu ahaa dhaxal waxaana uu ahaa dhaxalki iga soo gaaray aabaheey, walaalaheey qaarkood meesha ayaa lagu dilay, dhulkaasi waxaa daganaa hey’ado, baqaaro ayaa ku yaalay oo aan aniga qaar lahaa, hanti kale sida makiinado iyo baldoosaro ayaa yiilay, sidoo kale laba ceel iyo shirkad koronto ayaa ku taalay dhamaan waxaasi oo dhanna waa bililaqeysteen, intaasi waxaa sii dheer in ay isla goobta ay horay ugu dileen walaalkeey Corneel Cumar Fiyaasko iyo wiil aan abti u ahaa.” ayuu yiri.

Xaaji Abuukar ayaa is weydiyey sababta ay u beegsanayaan Al Shabaab isla markaana ay dhib intaasi la eh ugu geysanayaan isaga oo aanan waxba ka galabsan, hase yeeshee marki danbe ayuu maleeyey arinta kaliyah ee ay ku beegsan karaan in ay tahay isaga oo ka tirsan culimada Suufiyada gaar ahaan Dariiqada Qaadiriya ee hoos tagto Ahlu Sunna.

“Hal arin way dhici kartaa in ay Al Shabaab igu colaadinayaan oo ah in aan ahay nin suufi ah oo rumeysan in la digriyo salaadahana lagu bilaabo bisinka gaar ahaan faataxada,” ayuu yiri.

Dhawaan ayey aheyd marki ay Al Shabaab dhulka la simeen dhisma weyn oo uu Xaaji Abuukar ku lahaa deegaanka Taree Dishe ama KM-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dad badan ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay sababta ku kaliftay Al Shabaab in ay sidaasi sameeyaan, waxaana siyaasiyiinta ay ku sheegeen in ay uga baqayaan in ay halkaasi soo dagaan Al Shabaab maadaama ay tahay Taree Dishe deegaan Istaraatiiji ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.