Wufuud ku qul quleysa magaalada Muqdisho

132Wufuud ka kala socota maamulada kajira Gudaha Dalka Soomaaliya iyo dalalka deriska nala ah, ayaa saacadihii u danbeeyay kusoo qul qulayay magaalada Muqdisho, kuwaasoo doonaya ineey ka qeyb galaan Aaska R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, kaasoo lagu wado in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Dowladda faderaalka Soomaaliya waxaa ay horey u sheegtay in aas qaran loo sameyn doonno raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,waxaan aaska marxuunka ka soo qeyb-galaya madax kala gadisan.

Magaalada Muqdisho,waxaa maanta laga dhowraya inay gaaran madax uu ka mid yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliyed ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,sidoo kale wafti ballaaran ayaa laga sugaya maamulka Jubba,iyadoona la filayo madaxweyne Axmed Madoobe in uu isna aaska ka soo qeyb-galo.

Allaha u naxariste Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,raysal wasarihii hore ee Soomaaliya waxaa uu ahaa siyaasi umadda Soomaaliyed gadarin weyn ku dhex lahaa,waxaana uu ka soo jeeda deegaannada Puntland isagoona ku dhashey magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here