Wufuud ku qul quleysa Jowhar

Magaalada Jowhar
Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee xaruunta maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu wado in maalmaha soo aadan uu ka furmo shirka maamul u samaynta Hiiraan & Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaa maanta gaaray wafdi isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano.

Magaalada Jowhar, ayaa waxaa hada ka socda qaban qaabo xoogan oo loogu diyaar garoobayo shirka maamul usamaynta labada Gobol ee Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa magaalada Jowhar gaaray ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid, kuwaasoo sii xoojinaya amaanka masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirka.

Wixii faah faahin ah ee kusoo kordha shirka lagu wado inuu ka furmo Jowhar, waxaad kala socon kartaa Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here