Wufuud caalami ah oo saakay kusoo qul qulaya Muqidsho

Waxaa saakay kusoo qul qulaya magaalada Muqdisho wufuud caalami ah oo isugu jirto hogaamiyayaal iyo dibulamaasiyiin kuwaasi oo lagu wado in ay ka qeybgalaan xaflada lagu caleema saarayo madaxweynaha cusub.

Warar hada soo baxay ayaa sheegaya in goor dhaweyd oo saakay ah uu soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo.

Wufuuda kale ee la filayo aaya waxaa ay ka kala imaanayaan dhamaan  dalalka gobolka sida Kenya, Ethiopia, Sudan, Uganda, Burundi iyo Rwanda, waxaa iyana la filayaa in ay yimaadaan dibulamaasiyiin ka kala socda dalalka quwadaha leh sida Mareykanka, Ingiriiska iyo dalalka kale ee Yurub.

Xaflada caleema saarka madaxweynaha ayaa dhici doonto barqada maanta ah, waxaana amaanka magaalada uu yahay mid aad u adag.

Waxaa xiran wadooyinka waaweyn ee magaalada iyadoo ay joogaan ciidamo isugu jira kuwa dowlada iyo ciidamada AMISOM.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here