Wolves 0-5 Manchester United

Manchester United ayaa kordhisay dhibacaha ay kaga hogaamineyso horyaalka Ingiriiska kooxda kusoo xigto ee Manchester City oo ah afar buundo kadib marki ay galabta 5-0 ku garaacday kooxda Wolves.

Jonny Evans ayaa qalinka ku duugay goolkiisi ugu horeeyey ee uu abid u dhaliyo kooxda ka hor inta aanan kaarka cas kooxda Wolves laga siinin Ronald Zubar marki ay isu raaceen laba jaale.

Roosahaasi ayaa niyada ka dilay laacibiinta Wolves wixi markaasi ka danbeyeyna waxaa ku kordhay hanjabaada kaga imaaneysay xidigaha United, goolka labaad waxaa siiyey Manchester Antonio Valencia waxaa sadaxeeyey Danny Welbeck.

Javier Hernandez ayaa goolka afraad madaxa ku dhaliyey marki uu karoos fiican ka helay Valencia, isaga ayaana saxiixay goolka shanaad, sidaasi ayeyna Man United guushaasi muhiimka ah kusoo xareysatay.

Wolves haatan waxay badisay hal kulan oo qura 14 kulan ee ugu danbeeyey taasina waxay kordhisay shakiga ah in macalin Terry Connor meesha isaga tago ama uu kooxda ka badbaadiyo seria b-da oo ay uga dhimantahay afar buundo.

Manchester City waxay Arbacada la ciyaari doontaa Chelsea, hadii ay badiso waxay markaasi usoo jirsan doontaa United hal buundo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.