W/Korea oo markale u hanjabtay Mareeykanka

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ciidamada qalabka sida ee dalka la siiyay wax ay ugu yeertay oggolaanshihii ugu dambeeyay ee ay ku qaadaan dukheyn militeri dalka Mareykanka iyaga oo isticmaalaya hubka nukliyeerka.

Waa middii ugu dambeysay hanjaabo xiriir ah oo ay soo saaraysay dowladda Kuuriyada Waqooyi kuwaasi oo kor u qaaday xiisadda.

Taliyaha ciidamada Pyongyang ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inay tallaabo aan naxariis lahayn kaga jawaabaan wax uu ku tilmaamay hanjabaada qar iska tuurka ah ee Washington.

Mar sii horreysay xarunta gaashaandhiga ee Mareykanka Pentagon ayaa ku dhawaaqday in ay u direyso gantaalalo casri ah oo difaac jasiiradda Pacific ee Guam taasi oo ah ka hortag.

Arbacadii dowladda Kuuriyada Waqooyi waxay xirtay aagga dhinaca dhaqaalaha ee labada Kuuriya u dhexeeya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here