Madaxweynaha Waqooyiga Korea, ayaa ballan ku qaaday in dalkiisa uu sii hormarin doono barnaamijka Nuclear-ka, iyo tiknolojiyada, sidoo kale waxa uu sheegay ineey sii hormarin doonaan Gantaalada ridada dhaadheer ee xanbaara madaxyada Nuclear-ka.
Warkaan kasoo yeeray madaxweynaha Waqooyiga Korea, ayaa kusoo aadaya xili Jaziiradaha labada Korea ay kajiraan dhaqdhaqaaqyo Milatari, sidoo kale haweeneyda madaxweynaha ka ah K/Korea, ayaa shalay sheegtay in wadankeeda ay diyaar u yihiin in si degdeg ah ay uga falceliyaan daan daansiga W/Korea.
Dhanka kale wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka mareeykanka ayaa Axadii qoray in W/Korea ay qarisay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii ku aadanaa lasocodka barnaamijkeeda Nulear-ka, waxana laga cabsi qabaa ineey hada ku howlantahay horu marinta Banbooyinka Yuuraaniyoomka labacrimiyay.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com