Guul ama Guuldaro, Barcelona waa ay weysay Messi, sidaas waxaa yiri Martino

Barca

Tababarre Gerardo Martino ayaa qiray Barcelona in weysay Lionel Messi kaddib markii Neymar uu si fiican uga dhex muuqday cayaar 2 iyo 0 ku dhammaatay oo la yeesheen kooxda Villarreal Sabtidii.

Xidigga reer Brazil ayaa daahfuray goolka daqiiqadihii ugu horeeyay cayaarta balse waxaa barbareeyay Mateo Musacchio oo cayaarta ka dhigay 1 iyo 1.

Si kastaba, goolkale ayuu dhaliyay Neymar, waxaana uu muujiyay sida uu dabooli karo booska uu baneeyay cayaaryahanka reer Argentina ee Messi.

“Guul daro iyo guul marka waxaan weynay Messi. waa cayaaryahanka ugu muhiimsan adduunka, haddii uu nala joogi lahaa cayaar ka fiican midda maanta ayaan soo bandhigi lahayn,” ayuu u sheegay Martino wariyaasha kaddib markii cayaarta soo dhammaatay.

Martino ayaa Neymar lagu daray Messi in ay ka soo bixi lahayd cayaar lala cajabo.

Kooxd Barca ayaa hadda horiyaalka ku hoggaamineysa seddax dhibic, waxaana ay lee dahay 43-dhibac halka kooxda ku soo xigta ay lee dahay oo Atlético Madrid ay lee dahay 40 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here