Wilshere: taageerayaasha man city wiilkayga ayey caayeen

 Wilshere iyo Man City oo is haya
Wilshere iyo Man City oo is haya

Jack Wilshere ayaa si toos ah uga codsaday taageerayaasha kooxda Manchester City in ay sheegaan sababta keentay in aflagaadeeyaan wiilkiisa.

Wilshere ayaa la ganaxaay labo kulan kaddib markii lagu arkay gacan ka hadal qaybtii labaad cayaarti kooxdiisa Arsenal lagu xaaqau 6 iyo 3.

Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska FA-da ayaa sheegay in cayaaryahanka uu hab dhaqan aan fiicneen uu ka sameeyay garoonka Eithad Stadium oo ay ku wada cayaareen kooxdiisa iyo kooxda Man City.

Salaasadii shalay ayaa Wilshere wuxuu boggiisa Twitter ku faah-faahiyay falkii uu sameeyay wuxuuna qiray in uu ka hortagay falal xun oo ay kula dhaqmeen taageerayaasha kooxda .

“Dhab ahaan waan jeclahay ilmahayga mana jecli in la caayo marka hab dhaqan aan fiicneen ayey sameeyeen, carruurteeda waa mustaqbalkeyga ..,” ayuuu ku qoray boggiisa Tweeter-ka,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here