William Ruto oo Bisha September booqan doona Hargeysa

rutoMadaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Rutto ayaa la sheegay inuu dabayaaqada bishan September booqasho ku tegi doono magaalladda Hargeysa.

Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Munya ayaa shaaciyey arrintaasi mar uu difaacayey Socdaalkii uu horey ugu tegay Hargeysa, taasi oo saamayn xooggan yeelatay.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Dowladda Federalka Somalia ku eedeysay Guddooiyaha Gobalka Meru, Peter Munya inuu Faragelin ku hayo Arrimaha Gudaha Somalia.

Peter Munya waxa uu bishii July booqday magaalladda Hargeysa, isagoo Maamulka Somaliland kala hadlay Ganacsiga Qaadka iyo inuu Ictiraaf u raadinayo Gooni-goosadka Somaliland oo iyagu sannadkii 1991-kii ku dhawaaqay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here