William Hague: “Waxaan ka Xunahay Qaraxyadii Shalay”

Warsaxaafadeed kaso baxay wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Britain ayaa waxaa si aad ah loogu cambaareeyey qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee uu shalay ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Wasiirka arrimaha dibada dalka Britain William Hague ayaa si xooggan loogu cambaareeyay weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa isaga oo ku timaamay in uu ahaa weerar argagixiso oo lagu doonaayey in lagu khaarajiyo Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya.

William Hague waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha cusub in uu ka shaqeeyo sidii ammaanka uu u xoojin lahaa iyadoo Dowladda Britain ay diyaar ay u tahay in ay ka taageerto dhanka sugida ammaanka sida uu sheegay William Hague, isaga oo xusay in Dowladda Ingariiska ay sii wadi doonto taageerida Dalka Somalia.

Sikastaba gelinkii dambe ee maalintii shalay ayey ahayd markii uu Madxaweynaha cusub ee Dowladda Soomaaliya uu ka badbaaday qaraxyo ay fuliyeen dad naftood hurayaal ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here