Wiilkeyga Muslimka ah waxa uu rabaa inuu noqdo madaxweynaha Mareeykanka

Doorashada Mareeykanka
Doorashada Mareeykanka

Mohamed Samaan, waa qoraa Ameerikaan ah asal ahaana kasoo jeeda dalka Pakistan, Maqaal uu dhawaan ku qoray wargeyska New york Times, waxa uu sheegay in wiilkiisa Muslimka ah uu ku riyoonayo inuu noqdo Madaxweynaha Mareeykanka, balse gabadhiisa yar ay qalbi jab ka qaaday hadalo kasoo yeeray qaar kamid ah musharixiinta u tartameysa aqalka cad.

Qoraagan ayaa sidoo kale cadeeyay in wiilkiisa oo hada 12 jir ah uu 4 sano kahor duqii hore ee Massachusetts Michael Dukakis, uu weeydiiyay in qof muslim Ameerikaan ah uu xaq u leeyahay inuu noqdo Madaxweynaha Mareeykanka?

Waxa uu hadalkiisa kusii daray, in Michael Dukakis oo qudhiisa mar isku soo sharaxay Madaxtinimada Mareeykanka, uu xafiiskiisa ugu yeeray wiilka yar, islamarkaasina uu kala sheekeystay arrimaha doorashada, waxaana uu ku dhiiri galiyay inuu noqon karo Madaxweynaha Mareeykanka.

Wiilkan yar ayaa taageero buuxda ka helay ardayda iyo maamulka Iskoolka uu dhigto, waxaana dhowr mar loo doortay Sakrateerka ardayda.

Magaca wiilkan ayaa ka diiwaan gashan baraha bulshada ee siyaasiyiinta ugu caansan Mareeykanka iyo goobaha ololaha doorashada, waxaana uu ku riyoonayaa inuu mar uun noqdo Madaxweynaha Mareeykanka, sidoo kale waxa uu rajeeynayaa in Qaanuunka u ogolaado in asigoo 12 jir ah uu codeeyo doorashada soo socota.

Xigasho: Al jazeera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here