Seyf Al-Islaam oo maxkamad ka soo muuqday

Saif al-Islam Gadhafi oo maxkamad ka soo muuqday Khamiistii
Saif al-Islam Gadhafi oo maxkamad ka soo muuqday Khamiistii
Wiilka uu dhalay hoggaamiyihii geeriyooday ee Libya Col Mucammar Gaddafi, Saif al-Islam, ayaa si kooban uga soo muuqday maxkmaad waxaana loo heestaa dambiyo ka dhan aadanaha, waxaa kaloo maxkamadda ka soo muuqday labo ka mid ah garyaqanaadiisa.

Labadan qof ee lala soo taagay maxkamadda Seyf waxa la sheegay in sannadkii horre ay ku booqdeen goob uu ku xirnaa waxaana ay ka socdaan maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICC.

Mr Gaddaf waxaa kaloo loo heestaa dadkii ku dhintay kacdoonkii lagu qaaday aabihiis sannadkii 2011-ka Libya iyo ICC waxa ay rabaan in mid kasta uu

Tifaftiraha arrimaha dibedda ee BBC-da John Simpson oo warkan ka soo diray magaalada Zintan wuxuu lee yahay mar aan weydiiyay maamulka ku meel-gaarka ee Libya sida ay tahay xaaladda caafimaad ee Mr. Gadaafi ma helin jawaab sax ah.

Waxaa loo heestaa Mr Gaddafi aflagaado uu u geestay calanka Libya iyo hanjabaad ka dhan ah ammaanka guud ee dalka.

Si kastaba maxkamad saarida Seyf Al-Islaam ayaa dib loo dhigay tan iyo bishii 19 September.
Mr Gaddafi ayaa laga soo qabtay Zintan tan iyo bishii November 2011.

Qareen rere British John Jones wuxuu ku sifeeyay goobta uu ku xiran yahay Seyf Al-Islaam xabsiga Guantanamo Bay , isagoona intaas ku daray in uusan booqdan doonin goobta uu ku xiran yahay Mr Gaddafi oo ah Zintan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here