Wiil uu dhalay Guudlaawe oo ku dhaawacmay Is-rasaaseyntii xalay Jowhar ka dhacday

Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen
Guddoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya, in wiil uu dhalay Madaxweynaha ku xigeenka HirShabelle Cosoble, uu kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay shaqaaqadii xalay ka dhacday Hoolka Doorashada.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux ayaa wareegii koowaad looga cod badiyay, isagoo helay 21 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Axmed Sheekh Nuur Timacade uu helay 24 cod.

Mr Nuux ayaa markii uu xaqiiqsaday in looga adkaanayo hadii uu tartamo wareega labaad waxaa uu kiciyay buuq, isagoo ka baxay hoolka, isla markaana dad taageersan ay damiyeen korontada, waxaana kadib bilowday buuq iyo gacan ka hadal dhex maray ergada labada dhinac taageersaneyd.

Ilaalada Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inay rasaasta bilaabeen, markii laga kala dareeray xarunta doorashada, isla markaana ergooyinka ay ka sii baxayeen hoolka doorashada.

Rasaasta ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay wiil Arday ah oo uu dhalay Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Cali Guudlaawe, waxaana rasaasta ay ugu tagtay Gurigiisa oo uu xiligaas ku sugnaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here