Wiil Soomaali Mareykan ah oo la shaaciyey inuu ku biiray Al Shabab

Nin ka mid ahaa Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyey inuu tagay Soomaaliya isla markaana ku biiray Xarakada Al Shabab.

Wiilkan oo lagu magacaabo Cumar Faarax da,diisuna lagu sheegay 21 sano jir ayaa la waayey mudo iminka laga joogo asbuucyo, balse marki danbe ayuu eedadiis kasoo wacay Soomaalida isaga oo u sheegay inuu joogo magaalada Marka kuna biiray Al Shabab.

Abdirizak Bihi, oo ah xubin ka mid ah Madaxda Jaaliyada Soomaalida Minneapolis mudo badanna kala shaqeyey qoysas badan oo caruurtooda ay u dhoofeen Soomaaliyeen kuna biireen Al Shabab, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in Cumar Farax uu eedadiis u xaqiijiyey inuu joogo Soomaaliya.

Taariikhda uu baxay Farah si sax ah looma ogaan wali sababtoo ah wiilkaan ayaa guriga hooyadiis ka baxay una wareegay kan eedadiis oo uu marki danbe uga duulay Soomaaliya.

Cidina ma ogaan inuu baxay ilaa uu kasoo wactamo Soomaaliya, sida uu sheegay Mr. Bihi oo ku hadlayey magaca qoyska.

Wiilka eedadiis oo lagu magacaabo Fartuun Faarax ayaa ka gaabsatay in ay saxaafada la hadasho iyada oo u wakiilatay Cbduqadir Bixi oo ah nin u dhaq dhaqaaqa bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here